Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho xalay ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Arrimaha Doorashada iyo muranka ka jira Guddiyada doorashooyinka ee ay soo magacawday dowladda Federaalka ayaa ka mid ahaa qodobadii ay ka wada hadleen labada Masuul.
Shiikh Shariif ayaa ku adkeystay mowqifkii ay guddiyadaas horey uga qaateen isaga iyo musharaxiin kale, kaasoo ahaa ineysan aheyn kuwo lagu kalsoonaan karo, ayna ku jiraan askar iyo xubno shaqaale ka ah xafiisyada madaxda dalka.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu u balanqaaday shariifka  talooyinka musharaxiinta iyo tabashada ay qabaan uu gaarsiin doono Madaxda dowladda, wuxuuna dhinaca kale difaacay Guddiga heer dowlad goboleed ee uu soo magacaabay kaasoo uu xusay in xubnaha ku jira ay yihiin kuwo uu ku kalsoon yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com