Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa kula kulmay la taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mr Guido Andargachou, kaasoo siday farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Waxaa kulanka looga wada hadlay xaalada dalka Itoobiya haatan ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada Dowlada & Maamulka gobolka Tigray.
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si la socotaa xaaladda isku dhaca gudaha ee Itoobiya tan iyo 4tii Novembar 2020 kaasoo u dhexeeya Ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya iyo kooxda TPLF ee gobolka Tigray, Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Jabuuti.
Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxay sheegtay in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay tahay tan kaliya ee dammaanad qaadaysa midnimada dhuleed ee Itoobiya.
“Jabuuti waxay ku baaqeysaa in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada gudaha Itoobiya ka taagan” ayaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com