Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Saameynta Muqdisho ku yeeshay Roob xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’aya

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ilaa saakay ka da’aya roob xoogan oo lagu diirsaday sidoo kale saameyn badan ku yeeshay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood.

Roobka xalay ilaa saakay ka da’aya magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay soo dumeen guryo kuyaala xaafado katirsan Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno roobka ayaa khasaaro xoogan gaarsiiyay dad barakacayaal ah oo Muqdisho ku noolaa, waxaana biyaha roobka qaadeen qaar kamid ah buushashkii ay degnaayeen dadka barakacayaasha.

Qaar ka mid ah Degmlooyinka gobolka Banaadir ayuu saameyn xoogan ku yeeshay roobka ka da’aya Muqdisho, waxaana go’ay qaar kamid ah Jidadka iyo laamiyada dhax mara magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada doorashada kursigii lagu celiyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukuumada Itoobiya oo ka carootay hadal ka soo yeeray dowlada Maraykanka

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo dib looga riixay Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---