Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafgareen) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax)
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur (Siidi).
Wareegtada Waxaa warbaahinta la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyadda K/Galbeed Maxamed Cali Ibraahim.
Lama oga sababta xilka looga qaaday Guddoomiye Najax, balse waa markii labaad C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur (Siidi) loo magacaabo xilka guddoomiyaha gobolka Sh/hoose.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com