Allbanaadir.com
NEWS

Imtixaankii Shahaadiga ahaa oo maanta la baajiyay iyo dowlada oo ka hadashay

Waxaa saakay oo axad ah la baajiyay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare oo shalay si rasmi ah uga bilowday magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Roobka xoogga leh ee xalay ilaa saakay ka da’ayay Muqdisho uu sababay in ardayda u suurto gelin in ay tagaan goobaha lagu qaadayay Imtixaanka.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa xalay ilaa saakay waxaa ka da’ayay roob xoogan oo sababay in ay hakad galaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ardayda ku adkaatay in ay tagaan xarumaha Imtixaanka lagu qaadayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay daah furtay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare oo sanadkan galayaan 27,000 oo Ardey oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee horyaalla Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan Shaki badan abuuray oo dhax maray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo soo saartay Digniino la xiriira Khataro ka dhalan kara Roobab ka da’aya gobolada…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---