Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nooc ka mid ah Shimbirta qoolleyda oo lacag waali ah lagu kala iibsaday

Shimbirta qoolleyda loo yaqaan nooc ka mid ah oo in muddo ah ka qeyb qaadan jirtay tartanka dhanka xawaaraha shimbiraha ayaa lagu kala iibsaday ku dhawaad laba milyan oo dollar.

Waxaa laga leeyahay shimbirtan dalka Belgium waana nooc ka mid ah qoolleyda oo lagu magacaabo New Kim oo ah ah dheddig laba jir ah iyadoo markii hore xaraash loo keenay suuqa, waxaana xilligaasi lagu qiimeeyay ku dhaawad 240 doolar balse waxaa shalay iibsaday nin ka yimid dalka Shiinaha oo bixiyay lacagta faraha badan oo dad badan ka yaabisay.

Shimbirtan lagu magacaabo New Kim ayaa 1.9 milyan oo doolar shalay lagu iibiyay waxay sanadkii 2018-ka ku guuleysatay dhawr tartan.

Laba nin oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku tartamay qoolleydan iskuna fallisay, taas ayaana ah sababta mid ka mid ah uu uga bixiyay 1.9 milyan oo dollar.

Kurt Van de Wouwer oo qoyskiisa uu lahaa shimbirtaasi ayaa sheegay in uu aad ula yaabay lacagta lagu kala iibsaday shimbirtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Ruushka oo lagu eedeeyey iney laayeen shacab ka qaxayey agagaarka Kyiv

Caydiid Ali

Xeer Ilaalinta Qaranka oo u yeertay Wasiirka Maaliyadda iyo Waxa loo heesto

Cabdi Cade

DEG DEG: Madaxtooyada Somalia oo shaacisay xiliga la saxiixayo heshiiska doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---