Allbanaadir.com
NEWS

 Puntland iyo Jubbaland oo wali ka biyo diidan magacaabista Guddiyada Doorashada

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo leh iskaashi iyo xiriir hoose ayaa lagu soo waramayaa in aysan wali soo magacaabin xubnaha ku matali lahaa guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka .

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan ku qanacsaneyn habka dowlada federaalka u wado doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo iyo sidoo kale nidaamka dowlada u martay magacaabista guddiyada doorashada.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ku sugan  Nairobi ayaa kulamo ay yeesheen isku raacay in go’aan mideesan ka qaataan magacaabista guddiyada doorashada ku matalayo iyo waxa ay ka yeelayaan guddiyada la saluugsan yahay ee dowlada soo magacawday.

Labadan maamul goboleed ayaa la sheegay in aysan raali ka aheyn sida Xukuumada Soomaaliya u maareeneyso doorashada, waxa ayna kasoo horjeedaan faragalin la sheegay in doorashada ku heyso Villa Soomaaliya.

Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku matalaya inta badan dowlad Goboleedyada iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lasoo magacaabay, waxaana hada u muuqataa in jadwalkii horey loogu heshiiyay aan la raacin uuna jiro dib u dhac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Dileyte oo codsi hor dhigay dhigiisa Cabdi Xaashi (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Video:-Taariikhda Magaalada Makkah Al Mukarama iyo Dhismihii Kacbada iyo sida loo bilaabay ?

admin

Kulan ka dhacay Wasaarada Waxbarashada & Wasiir Goodax oo weli lagu dhegan yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---