Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan ku dhaw Dhuusomareeb iyo abaabul dagaal oo…

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in xalay la wareegeen deegaanka Ceeldheere oo kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahanada kooxdaasi dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Ceeldheere kadib markii ciidamo katirsan maamulka Galmudug halkaasi isaga baxeen.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaana howlgalo baaritaano ah ka sameeyay deegaanka Ceeldheere oo xalay la wareegeen, waxaana deegaankan  Al Shabaab la wareegeen u dhaxeeyaa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Wararka ka imaanaya caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb ayaa sheegaya in ay socdaan abaabul ay wadaan ciidanka maamulka Galmudug iyo kuwa Dowlada Federaalka kuwaa oo doonaya in Al Shabaab ka saaraan deegaanka Ceeldheere iyo deegaano kale.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhoor mar ka dhacay deegaano kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb kadib markii Al Shabaab magaalada kusoo dhawaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Caan ah oo Wareestay Jeneraal Abuukar Xuud oo Caawa la xiray

Cabdi Cade

Shaki, nidaamka Calaamad-bixinta Jiheynta Helikobtarkii la dhacday Madaxweynaha Iran oo…

Cabdi Cade

Somaliland oo eedeyn aad u culus u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---