Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya ayaa xiligan waxaa ka taagan xaalad adag , waxaana qeybo kamid ah gobolkaasi ku dagaalamaya Ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah maamulka Gobolka Tigrey.
Dagaalka ka socda gobolkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay dad badan oo shacab ah, waxaana xoogaga taabacsan xisbiga maamula gobolka Tigrey lagu eedeeyay in ay geesteen xasuuq shacab .
War kasoo baxay Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu xaqiijiyay in xaquuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo lagu laayay boqolaal qof oo shacab aan waxbo galabsan.
“Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Hay’adadn u dooda aquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaano la xariira xasuuqa dhacay, waxa ayna dowlada ugu baaqday in dib loo soo celiyo adeega isgaarsiinta si loo ogaado waxa ka socda gobolka Tigrey.
Warka kasoo baxay Amnesty International ayaa sidoo kale lagu sheegay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.
Xasuuqan ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka Tigrey, waxaana magaaladan lagu laayay dad xoogsato ah oo kasoo jeeda qowmiyado kala duwan oo Itoobiya u dhashay.