Waxaa si rasmi ah oo ah sidii loogu talogalay u dhacay arooskii la wada sugayay ee amiirka boqoryootada Ingiriiska Amiir Harry iyo gabadha uu calmaday ee Meghan Markle oo ah gabadh madow iyo caddaan ay iska dhaleen oo u dhalatay dalka Maraykanka.
Haddaba maadaama Meghan Markle oo ka mid noqotay qoyska boqortooyada Britain waxaa ka mamnuuc ah wixii hadda ka dambeeya 15 arimood oo kala ah:
- In ay sawir Selfie ah gasho – Meghan durba waxa ay laylisay xeerka ah inaysan sawir (selfie) geli karin ama qof la gali karin.
- Inaysan kaligeed albaabka qasriga ka bixi karin – dhaqanka soo jireenka ah ee Qoyska Boqortooyada ayaa qaba inaysan gabadha bannaanka u bixi karin kaligeed ama maxramkeeda la’aantiis.
- Meghan ma shaacin karto sawiradeeda mana yeelan karto sawir qaade u gaar ah.
- Ma yeelan karto bar bulsho ama mareeg iyada u gaar ah waa in ay ku biirtaa oo warbixinada bulshada ugu gudbisaa summad qoyseedka @KensingtoRoyal.
- Ma shaacin karto sawirada iyo muuqaalada dareenka leh ee iyada iyo saygeeda.
- Ma codeyn karto xilliga doorashada xataa hadii ay qaadato dhalashada dalka ingariiska.
- Ma xiran karto dhar muujinaya cawradeeda sida ay sameysay faraanti geliskeeda marki ay ku labisatay labiska Ralph Russo ee $7,500 la iibiyo.
- Ma xiran karto dharka gaagaaban ama midabada il qabadka ah.
- Ma xiran karto okiyaaleyaasha xaragada.
- Carrabkeeda bannaanka uma soo bixin karto bulshada dhexdeeda
- Ma qaadan karto boorsooyinka waaweyn ay dumarka ku xaragoodaan.
- Kama qeyb geli karto munaasabadaha fashion ka asbuuc laha ah ee ay xubinta ka ahayd.
13. Ma fariisan karto goob aan loo fasixin
13. Lugaha isma dul saaran karto
- Ma seexan karto boqorada oo aan seexan
- Hadyadaha loo keeno iyada ma furi karto waa in addeegeyaasha qasriga ay furaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com