Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gantaalo caawa lagu weeraray Magaalada Asmara iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dhowr Gantaal ayaa caawa la soo sheegayaa in lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritreya saacado ka dib markii maamulka Tigray uu ku hanjabay inuu weerarayo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in isla caawa gantaalo kale lagu weeraray magaalada dekeda ah ee Muwasac, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Saddex gantaal ayaa la soo sheegayaa iney habsadeen garoonka dayuuradaha Asmara iyo xarunta Wasaarada warfaafinta dalkaas, iyadoo korontadii ay ka tagtay magaalada.

Dad ku sugan asmara ayaa sheegaya in magaalada uu ka jiro jahwareer iyo khal khal xoogan, iyadoo xaafadaha qaarkood ay dadku ka cararayaan cabsi awgeed.

Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyey dowlada Eritreya iney qeyb ka tahay dagaalka dowlada Itoobiya ku soo qaaday gobolkooda, iyadoo dhinaca kale dowlada Eritreya aysan ka hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Kenya oo Xabsiga dhigay Ezekiel Odero iyo dambiga loo heesto oo la ogaaday

Cabdi Cade

Mukhtaar Roobow & xubno la socday oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ismaaciil Max’ed Xuseen oo la wareegay xilkii uu u Magacaabay duqa Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---