Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Miisaaniyada dowlad goboleedka Puntland ee sanadka 2021 oo la ansixiyey (Sawirro)

Shirka Golaha Wasiirada  Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037

Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la jimceystay shacabka Magaalada Carta ee dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Mukhtaar Roobow oo walaalkiis ku soo daray guddi uu Magacaabay (Magacyada)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo taageero caalami ah u heshay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---