Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kumanaan Qaxooti ka cararaya dirirta ka socota Itoobya oo ku qulqulaya..

Dad ka badan 14,500 oo qof oo Ethiopian ah oo ka cararay dirirta ka socota gobolka Tigray ayaa u qaxay dalka Sudan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.

Wakiilka Sare ee QM ee xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa muujisay qeylo dhaan ku aadan xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa ee gobolka Tigray.

Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigray.

Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay. Waxa ay sheegaysaa in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada militariga.

Colville ayaa sheegay in wakiilka sare ay ka walaacsan tahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii maamulka Tigray iyo dowladda Ethiopia ay u hogaansami waayaan digniinteeda. Waxa uu sheegay in haddii dagaalku sii socdo ay Bachelet ka baqayso in colaaddu ay si fudud ugu fiddo meelo ka baxsan xudduudaha, taasi oo suuragal ka dhigaysa xasillooni-darrada qaybo ka mid ah Bariga Africa.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka difaaca qaranka in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidamada gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeed xasaasi ah oo loo gudbiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo jeediyey hadal dad badan ku abuuray yaab iyo fajac

Caydiid Ali

Wasiirkii Maaliyadda ee dowladii Farmaajo oo ka degay Magalada Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---