Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo culus oo lagu garacaay magaalooyin kuyaala gobolka Amxaarada Itoobiya

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in xalay gantaalo lagu garaacay Caasimada maamulka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada kale ee Gonder, waxaana weerarkan cabsi badan ka abuuray dadka kunool magaalooyinka la duqeeyay.

Xafiis hoosataga Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo loogu tala galay in uu ka warbixiyo xaaladaha deg dega ayaa ku waramay in duqeyn xalay lagu garaacay garoomo diyaaradeed oo kuyaala magaalooyinka Bahir Daar iyo Gonder oo kuyaala dhulka Amxaarada.

Gantaaladan lagu garaacay magaalooyinkan kuyaala dhulka Amxaarada ayaa la sheegay in uusan khasaaro nafeed dhalin, waxaana duqeyntan waxyeelo gaarsiisay garoomada diyaaradaha ee kuyaala magaalooyinkaasi.

Wararka ka imaanaya ismaamulka Amxaarada ayaa sidoo kale sheegaya in duqeynta kadib la maqlay rasaas culus oon wali la ogeyn cida ay dhax martay, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo halka laga soo tuuray gantaalada ku dhacday dhulka Amxaarada.

Duqeyntan ayaa loo badinayaa in ay ka dambeeyeen xoogaga taabacsan maamulka Tigrey oo daris la ah ismaamulka Amxaarada, mana jiro wali wax faah faahin dheerada ah oo laga bixiyay duqeyntan iyo cida ka dambeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo la wareegtay Degmo Puntland qorsheeneysay in doorasho ku qabato

Cabdi Cade

Cabdirashiid Janan & ciidankiisa oo loo qabtay iney 24 saac kaga baxaan Mandhera

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku laabtay Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---