Qarax ayaa goor dhoweyd oo fiidnimadii ah lala beegsaday gaari uu la socday Gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun xilli uu marayay agagaarka dugsiga sare eeĀ 21 Oktoobar oo ku dhow Xaafadda Afisiyooni.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho
Labo ka mid ah Askarta ilaalada u ah Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay gudoomiyaha degmada sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga, inkastoo aan faahfaahin laga heynin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.
Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi yaalla gaarigii gudoomiyaha oo burbur xoogan uu soo gaaray.
Waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya qaraxyada miino ee xiliyada fiidnimadii la dhigo jidadka, kuwaasoo lala eegto gaadiidka ay wataan masuuliyiinta DF.
Dhowr habeen ka hor ayey markii wadada Maka Al-Mukarama sidan oo kale lagu qarxiyey gaari uu la socday Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare, kaasoo ka badbaaday weerarka balse ay ku dhaawacmeen ilaaladiisa qaarkood.
Waxaa ka sii horeeyey qarax kale oo sidan oo kale xiliyo fiidnimo lala beegsaday gaadiid ay kala wateen Wasiirka cusub ee Wasaarada ganacsiga iyo warshada DF iyo agaasimaha heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka, inkastoo ay ka badbaadeen.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com