Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faahfaahin: Dad reer galbeed ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sacuudiga

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay goob lagu xusayay dagaalkii koowaad ee adduunka oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sucuudiga.

Waxaa soo qabanqaabisay xafladan Safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga, waxaana ka qeybgalay diblomaasiyiin reer Yurub ah.

Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in bam lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jeddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee Sucuudiga iyo nin Britain u dhashay ay ku dhaawacmeen weerarka.

Maamulka gobolka Maka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarkan oo illaa hadda aysan jirin cid masuuliyadiisa sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Saraakiil ka tirsan Booliska France oo toorey lagu laayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalku galay (Sababta)

Caydiid Ali

Soomaali ka mid noqotay dadkii lagu xasuuqay Masjidyada New Zealand (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---