Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqor Salmaan oo Wadamada Caalamka ugu baaqay in talaabo adag laga qaado dowlada …

Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis oo khudbad u jeediyay golaha Shuurada Sacuudiga ayaa ka hadlay arimo badan oo kamid tahay xiisada kala dhaxeysa dowlada Iran oo ay isku hayaan awooda gobolka.

Boqor Salmaan ayaa ku eedeeyay dowlad Iran in faragalin iyo dhibaatooyin kale ku heyso bariga Dhaxe, waxa uuna sheegay Boqorka in aan loo dulqaadan karin faragalinta iyo hab dhaqanka Xukuumada Tehran.

Waxa uu Boqor Salmaan ugu baaqay Wadamada Caalamka in il gooni ah ku eegaan faragalinta Iiraan kana qaadaan talaabo adag si looga hortago halista iyo dhibaatada ay abuureyso dowlada Iran.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Iran ku mashquulsan tahay horumarinta hubka nukliyeerka taa uu sheegay hadii aan wax laga qaban mustaqbalk dhibaato weyn ka dhalan karto.

Dowladaha Sacuudiga iyo Iran ayaa mudo aad u dheer isku haya awoodo gobolka Bariga Dhaxe, waxaana labada dowladood ka dhaxeeya cadaawad iyo khilaaf soo jireen ah oo xal loo waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Juballand oo digniin siisay Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Maamulkaas

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag kula jiray Erdogan oo ka haray doorashada

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay magacyada iyo xilalka ay hayeen Saraakiil laga dilay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---