Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo Ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

Related posts

Puntland ayaa amar culus ku soo rogtay Musharaxiinta doorashada Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Siciid Deni oo Wareegto ku magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & Shiikh Shariif oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---