Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Dabageed oo goordhaw loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar kusoo dhamaatay doorashada Madaxweyne kuxigeenka maamulka  Hirshabelle oo ay ku tartamayeen labo musharax , waxaana doorashada ku guuleestay musharaxii horey loo saadaalinayay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa goordhaw shaaciyay in Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle loo doortay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo helay 87-cod halka Musharaxii la tartamayay Maxamed Dheere helay 12-cod.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa ayaana aheyd mid aan wax xiiso ah laheyn horeyna loo sii ogaa natiijada ay ku dhamaan doonto, waxaana Madaxweynaha iyo kuxigeenkiiisa loo doortay labo nin oo ay wadatay Villa Soomaaliya.

Villa Soomaaliya iyo Taliska Nabad Sugida ayaana horey u diyaariyay shaqsiyaadka loo dooran lahaa Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna ujeedku ahaa in xubnahan lagu gaaro dano siyaasadeed xiliga doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho laga reebay Xildhibaanadii hore oo maanta ka dhaceysa Kismaayo

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo hor istaagay Hanka haweeney xil sare ku matali laheyd Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka William Ruto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---