Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle lagu doortay Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle hogaamin doona afarta sano ee soo socota Cali Guudlaawe Xuseen.

Doorashada ka dhacday magaalada Jowhar oo aheyd mid aan xiiso laheyn horeyna looga war qabay natiijada kasoo bixi doonto ayaa ugu dambeyn noqotay sidii la filayay uuna ku guuleestay Musharaxii ay wadatay Villa Soomaaliya.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Cali Guudlaawe helay codad gaaraya 86 cod halka Musharaxa la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo goobta u yimid qaab malxiis ah uu helay 13-cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sidoo kale la filayaa in goordhaw Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle u doortaan Yuusuf Axmed Hagar Daba Geed oo isna wadato Villa Soomaaliya.

Doorashada Hirshabelle ayaana sanadkan aheyd mid aan xiiso badan laheyn, waxaana Hogaanka Baarlamaanka maamulkaasi iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa laga qoray Villa Soomaaliya iyo NISA iyadoona sidii loo qorsheeyay howsha u socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: Ma jiro dagaal aan jabkiisa wadan, madaxda dalka waxaa looga baahan yahay..”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay rag badan laga dilay hubna laga furtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo Faah faahisay ujeedka Safarka Xasan Sheekh ugu baxay Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---