Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo ka hadashay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa  sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Qaraxaasi Sarkaalkii gaariga lahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Adow, iyadoo burbur xooggan uu soo gaaray gaarigiisa.

Qaraxa ka dib waxaa goobta haaray Ciidamada amaanka oo halkaasi ka qaaday Meydka Sarkaalka iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira qaraxa.

War kooxda Al-Shabaab ay ku qortay baraha Internetka ee taageera ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay sarkaalkan oo ay sheegeen inuu ahaa taliyihii hore ee ciidamada Bancrafta loo yaqaano ee Marayanku tababaray, waxayna intaa ku dareen inuu hadda ka tirsanaa saraakiisha tababarada siiya ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan kordhiyey dilalka iyo weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, xalayna ayey aheyd markii magaalada siyaabo kala duwan loogu dilay labo askari oo ka tirsan ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Cadaado

Caydiid Ali

Haweeney Madaxweyne ka ah dalka Afrika kuyaala oo Fadeexo lasoo daristay 

Cabdi Cade

Imaaraadka iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---