Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Soomaaliyeed oo ku baaqay lasoo dhaweeyo Howlgalka ka socda gobolka Tigrey

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa bilowday howlgal adag ay kula dagaalameyso xoogag aad u hubeesan oo taabacsan Xisbiga TPLF ee leeyihiin maamulka Tigreyga ee ka arimiya gobolka ay degan yihiin qowmiyadaasi.

Wasiirka Amiga Galmudug sidoo kale ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Tigreyga Itoobiya gabood falo xun ka geesteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

”Tigreegii madaafiicdooda iyo gaboodfalkoodu uu kala gaaray geeska Afrika si gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, kana geystay xasuuq aan loo meel-dayin, burburin magaalooyin camiran iyo barakicin malaayiin shacab ah, waxay maantay ku waajahayaan gurigoodii xaalad adag iyo ciqaab-daran oo la mid ah tii ay umadaha kale badeen” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaana sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku haboon tahay in xiligan soo dhaweeyaan ayna taageeraan howlgalka ciidan ee lagu beegsanayo madaxdii iyo saraakiishii Tigreyga dambiyada dagaal ka geestay Soomaaliya.

”Waxaa ila haboon In dadka Soomaaliyeed ay soo dhoweeyaan hawlgalka ciidan ee lagu baacsanayo madaxdii iyo ciidamada Tigreega ee dambiyada dagaal ka geystay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay si gaar ah sanadihii 2007 & 2008.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka kasoo yeeray Wasiirkan katirsan maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh xiligan Xukuumada Itoobiya aysan ka hadlin dagaalka dowlada dalkaasi kula jirto maamulka Tigreyga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Farxadda ka muuqatay RW Rooble ansixinta kadib & sida loogu codeeyey Wasiirada

Caydiid Ali

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey go’aan iyaga ka dhan ah

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo War ka soo saartay qaraxii ka dhacay Ankara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---