Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo laga cabsi qabo in uu ka shifo Sir Muhiim ah marka uu baneeyo Aqalka Cad

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga cabsi qabaa in uu banaanka keeno sirta qarsoon ee Amniga Qaranka Mareykanka marka uu xilka wareejiyo bisha Janaayo ee sanadka soo socda,

Saraakiil horey xilal uga soo qabtay dowlada Mareykanka iyo Khubaro ayaa digniino ka bixiyay in suurto gal tahay in Madaxweynaha doorashada looga guuleestay ee Donald Trump marka uu baneeyo Aqalka Cad uu bixiyo sirta Qaranka Mareykanka.

Saraakiishan katirsan Aqalka Cad iyo kuwa horey uga soo shaqeeyay ayaa ka baqaya in Madaxweyne Donald Trump uu shaaca ka qaado sirta amniga qaranka ka dib markii uu xafiiska ka tago oo uu noqdo muwaadin caadi ah marka la gaaro bisha Janaayo.

Saraakiishan waxay rumeysan yihiin in taariikhda hadal adeega ee Trump iyo carada uu ka ka qaaday natiijada doorashada looga guuleestay in ay suurto gal tahay in uu ku dhiirado in uu banaanka keeno sirta Qaranka.

Madaxweynaha talada wali haya wuxuu diiday inuu aqbalo guuldarada doorashada kasoo gaartay wuxuuna si isdaba joog ah faafinayay sheegashooyinka aan daliilka lahayn ee doorashada in “lagu musuqmaasuqay” isaga.

Sarkaalkii hore ee CIA-da David Priess ayaa u sheegay Washington Post: “Qofkasta oo ka xumaaday, aan ku qanacsaneyn ama dhibsaneyn wuxuu qatar u yahay inuu shaaciyo macluumaad qarsoodi ah, ha ahaado xil haye ama mid hore.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu marin u leeyahay dhammaan macluumaadka dowladda ee sirta ah iyo awoodda uu u leeyahay dejinta iyo la wadaagga mid kasta oo ka mid ah sababa jira.

Weli wuxuu awood u leeyahay diiwaanka sirta ah ee maamulkiisa markii uu baxayo, laakiin wuxuu lumiyay awooddii uu si sharci ah ugu soo bandhigi lahaa marka Biden uu xafiiska la wareego Janaayo, sida ay qortay Washington Post

Khubarada arrintani ka hadlay ayaa xusay in Trump xoray warbixintiisii ​​sirdoonka ee madaxweynenimada ugu muujiyey inuusan fahmin sida amniga qaranka Mareykanka u shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo fariin u diray Xildhibaanada dooran ee dalka iyo dibaddiisa ku kala sugan

Cabdi Cade

Xamaas oo mar kale gantaalo ku weerartay Tel-aviv

Caydiid Ali

Faahfaahin: Masuul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo Garoowe lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---