Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo rasaas ku furay Masjid ku yaalla degmada Guriceel

Dabley hubeysan ayaa caawa salaadii maqrib ka dib waxay rasaas ooda kaga qaadeen Masaajid ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xiliga masaajidka Beder lagu furayey rasaasta ay ku jireen dad kooban, aysana jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay rasaasta, marka laga reebo burbur aan sidaa u weyneyn oo ay u geysatay darbiga Masaajidka.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa gaaray Masaajidka iyagoo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaas oo baxsaday.

Shacabka magaaladaas ku dhaqan ayaa si weyn u hadal haya dhacdadan, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in rasaas lagu furo masjidka oo ah guri ALLE lagu caabudo.

Masaajidka Beder ayaa dib loo furay dhowaan ka dib markii ay xireen maamulkii Ahlu suna ee halkaas ka arimin jiray, kuwaasoo ku eedeeyey in laga faafiyo fekerka diineed ee Al-Shabaab, laguna gaaleysiiyo Muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali

Gaalkacyo: Oday 70 sano jir ah oo ka bogsaday cudurka Coronavirus (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaalada Baraawe oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---