Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salaad: “Guuleedow Muqdisho waxay caan ku tahay Koriso, Kibriso iyo Kufiso”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka Baarlamanka Somalia, sidoo kalena ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wax lal yaabo ku tilmaamay qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa facebook RW ku-xigeenka Somalia Mahdi Guuleed oo u jawaabayey musharaxiin ka soo horjeestay guddiyada DF u magacowday doorashooyinka.

Guuleed ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha ee bayaanka soo saaray ay ka muuqato kalsooni daro, quus iyo niyad jab.

Mahad Salaad oo ka daba qaatay una jawaabaya RW Ku-xigeenka ayaa qoraalkan hoose soo dhigay bartiisa Facebook

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!

Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!

Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Boliiska Somalia oo ka hadlay qaraxa lagu dilay taliye Farxaan Qaroole

Caydiid Ali

Aqalka Senateka Maraykanka oo Trump ka difaacay dacwadii lagu soo oogay

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Xamse oo soo xiray tartankii Ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---