Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar aysan ku filneyn xal u helida saameynta ka dhalatay Roobabkii ka da’ay magaalada ee xiray jidadka.
Saalax Dheere ayaa sheegay in roobabka socda ay saameyn adag ku yeesheen qoysaska danta yar ee degan guryaha qasiimka ah iyo buushashka, isagoo Ganacsatada iyo dad kale ee wax heysta ugu baaqay in dadkaas ay gurmad gaarsiiyaan.
“Biyaha roobka waxay sidoo kale xireen waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka, Maamulka wuxuu isku dayay inuu sameeyo goobo ay biyaha galaan, hase yeeshee biyaha roobka lama xakameyn karo maadaama ay roobabku si isdaba joog ah u socdaan” ayuu yiri afhayeenka.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo qubaro caalami ah ayuu Saalax dheere sheegay inay sameeyeen daraasad ku aadan sidii wax looga qaban lahaa biyo fariisidka waddooyinka, balse lagu wargeliyay inay qarash farabadan ku baxeyso arrintaas, wuxuuna Afhayeenka qiray in Maamulka uu xiligaan bixin karin qarashka lagu hagaajinayo waddooyinka.
Roobabka ka da’aya Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa xiray wadooyin badan oo qaarkood ay muhiim u yihiin socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ka mid ah wadada isku xirta garoonka dayuuradaha iyo isgoyska Km4, wadada Buulo Xuubey iyo meelo kale.
Shacabka gobolka Banaadir ayaa bixiya canshuur malaayiin dollar gaareysa bil walba, taasoo aan la ogeyn cida wax loogu qabto iyo halka la geeyo, iyadoo magaalada Muqdusho ay haatan wajaheyso wasaq iyo dhiiqo aysan jirin cid wax ka qabaneysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com