Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo si adag uga hadlay Dagaalka ka Socda gobolka Tigrey

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegay in haddii Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF “aan la soo afjarin inay khatar galeyso wadajirka iyo midnimada Itoobiya.”

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo Telefishinka Aljazeera u warrama,y wuxuu si weyn u taageeray go’aanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ah in howlgal militari laga fuliyo gobolka Tigray kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Ra’iisal wasaaraha Itoobiya labada sano iyo barkii la soo dhaafay wuxuu diyaar u ahaa, dadaal adagna uu u galay, sidi khilaafka jira wadahadal looga dhammeyn lahaa, balse Kooxda TPLF ayaa jebisay dhammaan nidaamyadii siyaasadeed ee ka jiray dalka Itoobiya – dastuurkii bey baalmareen iyaga oo doorasho sharci darro ahna qabsaday”, ayuu yiri Mustaf.

“Ra’iisal wasaaraha arrimahaas oo dhan wuxuu ka muujiyey dulqaad aad u weyn, balse wadahadalka wuu wanaagsan yahay mana beddeli karo tallaabbo lagu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu hadalka ku sii daray Madaxweynaha Dowlad deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gobolka Tigray waxaa weli ka socda howlgalka militariga dowladda oo Abiy Axmed uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo celinayo xasilloonida. Golaha federaalka ee dalkaas ayaana dhowaan sheegay in xilka laga qaaday madaxda gobolkaas oo dhankooda wacad ku maray in ay is difaaci doonaan.

Mustaf Cumar wuxuu yiri: “Kooxda TPLF waxaa u afduuban shacab 6 malyan ah oo deegaankaas ku nool, iyaga oo sheegay in doorasho ay qabsadeen ayna ku guuleysteen 100%. Waxay diideen awaamiir kasta oo uga timaadda dowladda dhexe oo dastuurka waafaqsan.

“Wuxuu ra’iisal wasaaraha isku dayay wadda kasta oo khilaafka taagan wadahadal looga dhammeyn karo, isaga oo odayaasha dhaqan iyo hoggaamiyeyaasha diinta u diray, balse kooxda TPLF way diideen… TPLF wadahadalka waxay ka doorteen dagaal inay dowladda dhexe la galaan”, ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay ‘Howlgalka dhanka sharciga ah’ in dhawaan uu soo afjari doono dambiilayaasha dhibaatoooyinka geystay si sharciga loo horkeeno.

“Howlgalka dhanka sharciga ah waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasiloonida si dhammaan dambiilayaasha qaswadyaasha ah loo horgeeyo caddaallada,” ayuu ku yiri qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay ugu baaqeen Midowga Afrika in xaaladda ay faraha lasoo galaab si wada xaajood looga sameeyo colaadda.

Abiy wuxuu sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay lagu guuldareystay in la yeesho wadahadallo.

Madaxweyne Mustaf wuxuu maamulka Tigray ku eedeeyay in “mas’uuliyiin sare oo deegaankaasi ka mid ah ay baahiyeen inay haystaan gantaallo ay riddadooda gaareyso ilaa iyo 700 oo km, oo ay ugu talagaleen inay ku duqeeyaan caasimadda Itoobiya iyo magaalooyinka kale.”

“Halkeed ku aragtay maamul gobol oo dal uu ka tirsan yahay doonaya inuu gantaallo ku weeraro?… marka kooxda TPLF tallaabbada laga qaaday wey sii soconeysaa illaa laga xaqiijinayo midnimada dalka iyo sarreynta sharciga,” ayuu yiri Mustafe Muxumed Cumar.

Dadka falanqeeya arrimaha  Itoobiya ayaa aaminsan in dhowr waji ay leedahay suurtagalnimada ah in ra’iisul wasaare Abiy uu guul ka gaaro xaaladda gobalka iyo howlgallada uu amray ee looga jawaabo weerardii dhawaan lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday ajendayaal xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo caawa xabsiga u taxaabay haween caan ka ah barta Tiktok

Caydiid Ali

Nin Xirnaa Xijaab iyo Indho Shareer oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade