Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo Baaq deg deg ah kasoo saaray Dagaalka ka socda Gobolka Tigrey

Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada Federaalka Itoobiya iyo kuwa taabacsan maamulka Tigrey oo mudo isbuuc ka badan ka socda qeybo kamid ah Ismaamulka Tigrey.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ugu baaqay in ay xabada joojiyaan isuguna yimaadaan wadahadal si xal looga gaaro colaada aloosan.

Moussa Faki ayaa sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaal kasta oo lagu xallinayo dagaalka ka socda gobolka Tigrey ee dhiiga badan ku daadanayo, waxa uuna ku baaqay in shacabka loo turo lana joojiyo dagaalka.

Baaqan kasoo yeeray Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili dhawaan madaxweynaha Tigray Debretsion Gebremichael, ugu baaqay Midowga Afrika in uu soo faragaliyo dagaalka kana shaqeeyo xabad joojin iyo xal nabadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa”

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Howlgal socda

Cabdi Cade

RW Khayre oo kormeeray Iskuul ka mid ah dugsiyada ay dowladu la wareegtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---