Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay howlgalka ciidamada federaalka Itoobiya ka wadaan gobolka Tigrey , waxa uuna sheegay in howlgalka hada u socdo sidii loo qorsheeyay.
Abiy Axmed ayaa shaaciyay in howlgalka milatari ee ka socda gobolka Tigrey lasoo gaba gabeyn doono marka lasoo afjaro sida uu tilmaamay kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah ee ku sugan ismaamulka Tigrey.
“Kaddib marka hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo waa soconaa Howlgalka” ayuu yiri Abiy Axmed.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa amray in howlgal milatari lagu qaado gobolka Tigrey kadib markii ciidamo daacad u ah maamulka Tigrey weerar xoogan ku qaadeen saldhig milatariga Itoobiya ku lahaayeen gobolka Tigrey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com