Wararka ka imaanaya ismaamulka Tigrey ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wali socdaan dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga Federaalka Itoobiya iyo ciidamada daacada u ah maamulka Tigrey.
Dagaalka laba dhinac u dhaxeeya ayaa dhaliyay khasaaro xoogan oo soo gaaray ciidamada dagaalamaya iyo dad shacab ah, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dagaalka uu sii kordho hadii aan xabad joojin lagu dhawaaqin.
Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa la wareegay magaalooyin iyo deegaano katirsan maamulka Tigrey, waxa ayna saraakiisha ciidanka ku hanjabeen in dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay kasoo afjaraan kuwa dagaalka kula jira.
Wakaaladaha wararka caalamka qaarkood ayaa qoraya in dagaalka ka socda maamulka Tigrey in ay ku dhinteen boqolaal katirsan ciidamada Milatariga Itoobiya iyo ciidamada daacada u ah maamulka Tigrey.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay howlgalka miliateri ay dowladdiisa ku qaaday gobolka Tigray, waxa uuna meesha ka saaray digniinada ah in tallaabadaas ay dalka u horseedi doonto dagaallo sokeeye.
Abiy Axmed wuxuu walaaca ah in Itoobiya ay ka dhici karaan dagaallo sokeeye ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn, waxa uuna howlgalka socda ku tilmaamay kuwa laga fursan waayay.
Waxaa sii kordhaya baaqyada caalamiga ee lagu dalbanayo in dagaalka ka socda gobolka Tigrey lagu joojiyo, mana jiro ilaa hada wax xabad joojin ah oo laga gaaray dagaalka iyo wadahadalo u furmay labada dhinac ee dagaalamaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com