Allbanaadir.com
NEWS

Calanka dowlada Faransiiska oo lagu gubay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay isku soo bax ee ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah , waxaana looga soo horjeeday dibad baxan aflagaadii Nabi Maxamed NNKH loogu geestay dalka Faransiiska.

Fagaaraha uu ka dhacayay dibad baxan waxaa ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa haween badan oo loo dhiibay qoryaha Ak-47.

Dadkii ka qeyb galayay banaan baxa looga soo horjeeday Faransiiska ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah  Faransiiska iyo Madaxweyne Macron, waxa ayna dadkan muujiyeen sida ay uga xun yihiin xadgudubka diinta iyo Nabi Maxamed NNKH loogu geestay Faransiiska.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale fagaaraha kuyaala Ceelbuur ku gubay Calanka dowlada Faransiiska halka sidoo kale dadkii ka qeyb galayay dibad baxa ee ku istaagayay Calanka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Waxbarashada oo farriin muhiim ah u dirtay Ardaydii kasoo qaxday colaada Sudan

Cabdi Cade

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen masuul katirsan Wasaarada Gaashaandhiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---