Sheekh Al Azhar ee dalka Masar Dr. Axmed Al Dayib ayaa wacad ku maray in maxkamadaha caalamka lala tiigsan doono qof kasta oo aflagaadeeya nebi Maxamed NNKH.
Dr. Axmed Al Dayib ayaa hadalkan jeediyey ka dib markii uu magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Faraniiska Jean-Yves Le Drian.
Wuxuu sidoo kale ka soo horjeestay waxa loogu yeero islaamiyiinta argagixisada ah ii uu ku eedeeyey iney dhibaato hayaan caalamka Iskaamka,
“In la aflagaadeeyo Nebi Maxamed NNKHH, waa arrin gebi ahaanba aan la aqbali karin, xarunta daraasaadka islaamiga ah ee Al Azhar waxay baacsan doontaa kuwa aflagaadeeyo Rasuulkeena sharafta leh iyagoo lala tiigsanayo maxkamadaha caalamiga ah, waxay nagu qaadataba, xitaa nolosheena aan ku qaadanno arrintaas” ayuu yiri Shiikha
wasiirka arrimaha dibadda Faraniiska Jean-Yves Le Drian ayaa booqasho ku tegay xarunta Azhar si uu u qaboojiyo muslimiinta dunida oo ka carooday sawir gacmeedkii uu daabacay wargeys Faransiiska laga leeyahay iyo hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku difaacay daabacaadda sawir gacmeedka.
Hadalkaas oo horseeday in dibadbaxyo xooggan ay ka dhacaan dunida muslimka isla markaana lagu baaqayay in la qaadaco badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com