Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afar Musharax oo isku soo taagay doorashada Madaxweynaha & ku-xigeenka Hirshabelle

Diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Hirshabelle ayaa maanta lagu soo gebagebeeyeym magaalada Jowhar.

Guddiga Doorashada ayaa u diiwaan-galiyay xilka Madaxweynaha labo musharax oo kala ah Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan, halka madaxweyne ku-xigeenna ay isku soo taageen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere).

Shaki ku saabsan dib u dhac ku yimaada waqtigii ay doorashada u asteeyeen guddiga qaban-qaabada ayaa saaka soo baxay kaddib markii xilkii Madaxweynaha uu isku soo taagay Cali Guudlaawe oo kaliya.

Hase ahaatee shakigaas ayaa meesha ka baxay ka dib markii nin la yiraahdo Cabdiraxmaan Jimcaale uu galabta isku diiwaan-galiyey inuu yahay murashax la tartami doona Guudlaawe, iyadoo musharaxan uu muuqdo mid malxiis ah oo uu wato Cali Guudlaawe si doorashada aysan dib ugu dhicin.

Maalinta Arbacada oo ku beegan 11-ka November ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo aan xiise badan laheyn maadaama la sii ogyahay musharaxiinta ku soo baxaya oo ay gadaal ka riixeyso DF.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Guudlaawe oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Nin Qiray in lacag dhan 300- Dollar lagu siin jiray Haweenka uu kufsado kadibna dilo

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaale oo kormeer kedis ah ku tagay Kontrolo laga ilaaliyo Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---