Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo War ka soo saartay qoraal la sheegay in C/wali Gaas uu u diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Madaxtooyada Puntland ayaa beenisay qoraal shalay lagu faafiyay baraha bulshada, kaasoo lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu warbixin dagaalkii Tukaraq ka siinayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyda Puntland ayaa lagu sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid been abuur ah oo aan ka soo bixin xafiiska Madaxweyne, waxayna uga digeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sii faafiyey warqadaas iney iska hubiyaan waxyaabaha ay bulshada u tebinayaan.

Dhinaca kale qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay gabaad iyo agab dagaal siiso dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay dhanka buuraha uga gudbiso, waana kan hoose qoraalka oo faahfaahsan:-

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND BEENISAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Wareegto kale ku soo saaray amar culus

Caydiid Ali

Taliban oo iskugu yeertay ciidamada dowladii burburtay ee Afghanistan

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo joojisay ciqaabta Dilka iyo Soomaaliya oo kamid noqotay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---