Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Abiy Ahmed oo kashifay qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay TPLF

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay kooxda TPLF ee maamusha gobolka Tigray inay maalgeliyaan kooxo doonaya inay carqaladeeyaan dimoqraadiyadda Itoobiya.

Abiy Ahmed  ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay la socdaan tacaddiyada joogtada ah ay gobolka ka geysanayaan dhaqdhaqaaqa TPLF si ay qalalaase u geliyaan Itoobiya.

“Waxay maalgeliyaan koox kasta oo ku rajo weyn inay colaad iyo falal sharci darro ah oo ay doonayaan in lagu carqaladeeyo dimuqraadiyadda si dalka uu noqdo mid aan la maamuli karin” ayuu yiri RW Itoobiya.

Wuxuu ku eedeeyay TPLF inay wadaan tallaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah sharciga isla markaana ay qabsadeen doorasho sharci darro ah.

“Falalka sharci darrada ah ay wadaan TPLF kuma uusan dhammaan halkaas, waxay sidoo kale qaadeen tallaabo ay ku xoojinayaan militeriga iyagoo hadafkoodu yahay inay u hanjabaan shacabka Itoobiya iyo dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro isla xisaabtan la’aanta ka jirta gobalkaas.

Abiy Ahmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ma huraan tahay in hogaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaa maxkamad la soo taago oo lagula xisaabtamo xasilooni darrada ay halkaa ka abuureen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadlay qodobo Muhiim ah

Caydiid Ali

Qaraxyo laga maqlay magaalada Copenhagen iyo booliiska oo howlgalo wada

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xil ka qaadis iyo magacaabistii ugu horreysay sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---