Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad ka taagan deg. Warshiikh ka dib shacab xalay lagu dilay iyo Wararkii ugu dambeeyey

Xiisad ayaa ka taagan degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ah oo dad shacab ah loo geystay.

Weerarkii ka dhacay degmada Warshiikh ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex qof, halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Dadka la dilay ayaa kala ahaa Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo aan 40 cesho gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa, waxaana lagu dhaawacay haweeney kale iyo ilmo shan jir ahaa.

Maleeshiyo hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney ka dambeeyeen falkan arxan darada ah oo sida wararku sheegayaan salka ku haya aano qabiil oo u dhexeysa labo beelood oo halkaas wada dega.

Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka degmada ayaa bilaabay in ay baaritaano ku aadan, cidii ka dambeysay weerarkan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maanta odayaal, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin degmada Warshiikh si loo qaboojiyo xiisada halkaas ka taagan.

Maamulka degmada Warshiikh oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay ineysan awood u laheyn wax ka qabashada maleeshiyaadka falalkan geysanaya, iyagoo taas sabab uga dhigay in degmada aysan laheyn ciidamo boolis ah oo wax ka qabta falalka amni darada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday wax ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo Turkiga aaday lana sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in qorshe kale daba socdo Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Cabdi Cade

Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa oo la qabtay iyo dagaalkii socday oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---