Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afhayeenka TPLF oo ku hanjabay iney duqeyn doonaan Magaalada Addis ababa

Afhayeenka Ururka TPLF Getachow Rada ayaa ayaa sheegay in shalay ay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad dagaal oo ay leeyihiin milatariga Itoobiya taasoo dooneysay iney duqayso meelo u dhaw magaalada Makele.

Getachow oo la hadlayey warbaahinta gobolka Tigray ayaa sidoo kale beeniyay war kasoo baxay Taliyaha Ciidanka ee Itoobiya oo sheegayay inay ciidanka Qaranka ee Itoobiya la wareegeen magaalooyin ka tirsan gobolka.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada federaalka Itoobiya ay ku fashilmeen weeraro badan oo ay soo qaadeen, aysana u suuragali doonin iney qabsadaan gobolka Tigray.

Sidoo kale, waxaa uu ugu hanjabay dowlada Itoobiya iney duqeyn doonaan magaalada caasimada ah ee Addis ababa, ayna heystaan gantaalo waaweyn oo masaafo ahaan gaari kara, waa hadii ay joojin weyso weerarada.

Ma jirto warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee ku saabsan guulaha uu mid walba sheeganayo iyo waliba khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan oo laga cabsi qabo inuu isubedelo dagaal sokeeye oo daba dheeraada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo duqeeyey saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ilaalada kacaanka Iran

Caydiid Ali

Hay’adda Duulista Rayidka oo soo saartay go’aan ku socda Qurbajoogta

Caydiid Ali

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---