Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilhaan Cumar oo si kulul u cambaareysay talaabo ay qaaday dowlada Israel

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Xildhibaanada Congresska Maraykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku cambaaraysay tilaabooyinka burburinta ah ee Yahuudu ka wado dhulka ay xoogga ku haysato ee Falastiin.

Ilhaan Cumar waxay sheegay in Yuhuudu ku xadgudbayaan xeerka caalamiga ah iyagoo si gardarro cad ah u burburinaya guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku yaala Falastiin gaar ahaan daanta Galbeed.

Madaxda dawlada Maraykanka ayay sheegtay in looga baahan yahay inay isha ku hayaan xad gudubka ka socda dhulka Falastiin oo ay joojiyaan taageerada ay Yahuuda siiyaan.

“Waxa socda waa xad gudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay ku tiri qoraalkeeda Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga xumaatay tilaabadii ugu dambeysay ee ciidamada Yahuudu ku burburiyeen dhismayaal dad rayid Falastiiniyiin ah ku lahaayeen degaanka Xamsa Al-Baqiya oo daanta galbeed ku yaala, dhacdadaasoo hoy la’aan dhigtay 80 qoys oo Falastiiniyiin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tacshiirad khasaare nafeed geysatay oo la isku weydarsaday garoonka Laascaanod

Caydiid Ali

Madaxdii hore ee dalka iyo Masuuliyiin kale oo waqti ku qaatay Xeebta Cadale (Sawirro)

Cabdi Cade

Qeybtii labaad Xildhibanada Jubbaland oo gaartay Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---