Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo dooneysa in dib loo soo celiyo xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Somalia (Sawirro)

Dowlada Kenya ayaa wafdi usoo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay wadaxaajood ku aadan soo celinta xiriirka labada dal ula yeeshaan masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Wafdiga dowlada Kenya usoo dirtay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau , waxa ayna wafdigan la kulmeen masuuliyiin katirsan Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo masuuliyiintan kusoo dhaweeyay xarunta Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa kala hadlay arimo badan.

Masuuliyiinta labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kawada hadlay arimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Warar hoose oon helnay ayaa sheegaya in qodobada laga wada hadlay ku jireen sidii dowlada Soomaaliya u fasixi laheyd jaadka laga keeno dalka Kenya oo mudo bilooyin xayiran ayna mamnuucday dowlada in dalka la keeno.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay xiriirkoodu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana marar badan fashilmay wadahadlo la doonayo in lagu xaliyo waxyaabaha keenay khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Qorshe cusub degtay Qoraalna u dirtay Maxkamadda Caalamiga ee IC

Cabdi Cade

Cabdikariin Qalbi-dhagax oo safarkii ugu horeeyey kaga dhoofay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo qaaday tallaabo deg deg ah oo ka dhan ah Spain kadib aqoonsigii Falastiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---