Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya oo War Xasaasi ah soo saaray (Akhriso)

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeenayaan mowqifkooda ku aadan ka qeyb galka Doorashada iyo sidoo kale Guddiyada doorashada .

Musharaxiintan ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana sheegay in xubnaha guddiga doorashada u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta soo saareen

Annagoo ah musharraxiinta xilka madaxweynaha dalka ee magacyadoodu hoos ku xusanyihiin, waxaan garowsannahay in dalku uu ku jiro marxalad kala guur siyaasadeed ah oo muddada dastuuriga ah ee hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ay sii dhamaynayso sida uu dhigayo Qodobka 60aad ee Dastuurka, lagana cabsi qabo inuu dalku galo firaaq Dastuuri ah oo sababi kara burbur guud oo ku dhaca nimaadka dowladnimo, hadii aan si degdeg ah loo xaqiijin madax bannaanida guddiyada iyo dhammaan howl-wadeenada ka shaqeynaya hir-gelinta doorasho hufan oo leysla oggolyahay, kuna dhacda muddada kooban ee harsan.

Hadaba si loo suurto geliyo in xilliga kala-guurka Baarlamaanka 10-aad looga gudbo Baarlamaanka 11-aad uuna ku hirgasho si sharciyeysan, wadar-oggol ah, nabad iyo xasillooni siyaasadeed ku dheehantahay, waa in la dhowraa mabaadii’da iyo xudduudaha muhiimka ah ee hannaanka doorashada 2020/2021 iyo heshiiska siyasadeedkii ee Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gaareen Madaxda Dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, uuna meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uusan firaaq awoodeed ugu immaan jiritaanka hay’adaha Dowladda, sida ku cad farqada 1aad, Qodobka 60aad ee Dastuurka.

Sidoo kale, iyadoo laga duulayo dadaalladii lagu bixiyay wada-tashiyadii lagu gaaray heshiisyadii siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban oo ku salaysnaa in heshiis loo dhanyahay lagu wajaho talada doorashada, ayaan si xooggan u DIIDANNAHAY dhismaha Guddiyada Doorashooyinka kadib markaan xaqiiqsannay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay xubnaha guddiyada doorashooyinka u soo xuleen Shaqsiyaad ka tirsan NISA, Madaxtooyada iyo shaqsiyaad kale oo aad loogu yaqaan taageerada madaxweynaha iyo kooxdiisa, arrintaas oo si cad uga hor imaaneynsa madaxbannaanida hannaanka doorashada iyo in doorasho hufan ay dalka ka qabsoonto 2020/2021.

Hadaba, waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka.

Ugu dambeyn, waxaan si mas’uuliyadi ku jiro ugu baaqeynaa in si deg deg ah loo saxo xad-gudubyada lagu sameeyey heshiiska iyo hannaankii wada oggolka ahaa ee doorashada 2020/2021 oo ay kamidka yihiin habka loo soo xulay dhammaan guddiyada doorashada ee labada heer dowladeed oo ay ku jiraan xubnaha guddiyada Somaliland, si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo hannaankii lagu heshiiyay iyo waqtigii loo asteeyey.

 

Magacyada Musharrixiinta Madaxweyne ee ku mideysan Go’aanka:

  • Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
  • Hassan sheikh Momahud
  • Hassan Ali Khaire
  • Sharif Hassan Sh. Adan
  • Dahir Mohmud Gelle
  • Abdirahman Abdishakuur Warsame
  • Abdinasir Abdille Mohamed
  • Abdulkadir Ali Cosoble
  • Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
  • Hussien Abdi Halane
  • Abdikarim Hussein Guuleed
  • Mohamed Abirahman (Siiriin)

= DHAMMAAD =

 

Related posts

Al-Shabaab oo weerar dhimasho sababay ka fuliyey degaan ku dhow Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Weerar Toos ah oo lagu qaaday Suuqa Sarifka magaalada Karachi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade