Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo Weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Aqalka sare

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kasoo horjeestay guddiga doorashada Gobolada Waqooyi uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.

Mahdi Guuleed oo Wareysi gaar ah bixiyay ayaa ku tilmaamay Gudoomiyaha Aqalka sare hogaamiye Mucaarad ku ah dowlada kana soo horjeeda, waxa uuna xusay in Gudoomiyaha joogta ka dhigay qoraalada uu dowlada uga soo horjeedo.

”Qoraalada isdaba jooga ah uu soo saarayo Gudoomiyaha Aqalka sare waxa ay natuseesaa in uu yahay Hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in khilaaf xoogan labadii sano ee lasoo dhaafay u dhaxeeyay Gudoonka Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waxa uuna tilmaamay in uusan ogeyn khilaaf Cabdi Xaashi kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo si weyna u taageersan dib u doorashadiisa, waxaana la sheegay in Mahdi Guuleed wax ka ogaa magacaabista Guddiga doorashada ee gobolada Waqooyi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo shuruud adag ku xirtay baajinta weerarka ay kaga aargudaneyso Israel

Caydiid Ali

DEG DEG: Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay Laascaanood iyo korontada oo la demiyey

Caydiid Ali

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agabyo Caafimaad gaarsiisay Isbitaalka Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---