Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: R/W Khayre oo Maanta Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta daah-furay Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo ay u fariisteen arday gaaraysa 27,600, kuwaas oo waxkabartay Iskuulaadka kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday Iskuulka 15-ka May ee degmadda Warta Nabadda oo kamid ah xarumaha lagu qaadayo imtixaanka, wuxuuna ka hadlay ahmiyadda ay u leedahay maalintan dawladda Soomaaliya iyo faa’iidooyinka laga dhexlo waxbarashada. Isagoona ardayda u rajeeyay in ay guul iyo farxad ku dhameestaan Imtixaanka maanta u bilowday.

” Waxaan u mahed celinayaa Hooyooyinkii iyo Aabayashii ku soo dadaalay in ay maanta carruurtooda halkan soo gaarsiiyaan, annaguna waxaan ballan qaadaynaa in aan ku dadaalayno sidii ay ardaydan u heli lahaayeen mustqabal wanaagsan oo wax wayn ka badala noloshooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyay madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka gobolka Benaadir iyo ciidamada amaanka sida wadajirka ah ee ay uga shaqeeyeen hirgalinta imtixaankan dawliga ah, kaas oo u baahan taxadar iyo dadaal badan si loo ilaaliyo amaanada imtixaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UK oo baaq u dirtay Muuse Biixi kaddib guuldaradii Somaliland kasoo gaartay Laascaanood

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Xaflad sagootin ah oo caawa ka socota Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Baasaboorka Somalia oo sare uga kacay kaalinta uu kaga jiray Baasaboorada caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---