Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, waxaana magaalada ay noqotay mid biyo badan ay fadhiistaan, waxaana inta badan magaalada ka baxay dadkii kunoolaa.
Xaruntii maamulka gobolka Hiiraan iyo tan degmada Baladweyne ayaa kamid ah goobaha ay saameynta xoogan ku yeesheen fatahaada Wabiga Shabelle, waxaana xarumahaasi buux dhaafay biyo aad u badan.
Xafiisyada Xarunta gobolka iyo kan Degmada ayaan shaqeyn mudo ka badan bil, waxaana xafiisyada qaar ee maamulka galay biyo badan oo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga Shabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com