Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jill Biden haweeneyda loo badinayo iney noqoto Marwada 1aad ee Maraykanka

Jill Biden ayaa loo badinayaa iney noqoto marwada Koowaad ee dalka Maraykanka, iyadoo si weyn loo aaminsan yahay in odaygeeda oo ah musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden uu noqon doono madaxweynaha xiga ee dalkaas maamuli doona afarta sano ee soo socota.

Inkastoo aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada Maraykanka haddana Joe Biden ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka, isagoo tirinta codadka si weyn uga horeeya Madaxweyne Trumo gobolada haray.

Jill Biden waxay bishii Juun 1951 ku dhalatay gobolka New Jersey ee Mareykanka. Waxay ugu weyntahay shan gabdhood oo la dhashay, waxay ku soo kortay magaalada Philadelphia ee xaafadda Willow Grove.

Ka hor inta aysan 1977 guursan Joe Biden  waxay guursatay ciyaaryahankii hore ee kubada cagta ee Bill Stevenson.

Joe Biden ayaa xaaskiisii ​​ugu horeysay iyo gabadhiisa oo hal sano jir ahayd ah ku waayey shil gaari 1972, inkastoo Wiilashiisa Beau iyo Hunter ayaa labaduba ka badbaadeen shilkaasi.

Mrs Biden, oo 69 jir ah, waxay tobanaan sano ahayd macallin, Waxay haysataa shahaadada koowaad ee bachelor-ka iyo laba shahaadada mastarka ah, sidoo kale sannadkii 2007-kii waxay Jaamacadda Delaware ka qaadatay shahaadada PHD.

Mrs Biden waxay horey usoo noqotay marwada labaad ee dalka Mareykanka halka ninkeeda uu madaxweyne ku-xigeen u ahaa sannadihii 2009 ilaa 2017 Madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Obama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xasuuqii Israel xalay ka geesatay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Xujaydii ugu horreysay ee ka timid dibedda oo sanado ka dib gaartay Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo jartay Waaran lagu soo xirayo Wariye Caan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---