Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka federaalka Itoobiya oo Maamul cusub u magacaabay gobolka Tigray

Sida ay ku warrameyso warbaahinta Fana oo taabacsan dowladda Baarlamaanka Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay dhismaha dowlad kumeel gaar ah oo loo sameeyo gobolka Tigray.

Baarlamaanka ayaa fadhigan degdega ah sidoo kale ku kala diray dowlad goboleedkii maamuleysay gobolka waqooyiga ee Tigray.

Khilaaf cakiran oo soo kala dhex galay xukuumada federaalka ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo xulufadiisii hore ee Tigreega ayaa qarxay Arbacadii kadib markii Abiy uu amar ku bixiyay olole militari oo ka dhan maamulka Tigray. Waxa uu ku eedeeyey ciidabja jabhadda xoreynta shacabka Tigray (TPLF) in ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah ayna isku dayeen in ay qalab militari xadaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ayaa duqeeyay gobolka Tigray Jimcihii, iyadoo Ra’isulwasaare Abiy uu ballanqaaday in uu qaadi doono duqeymo dheeri ah taasi oo colaadda sii kordhineysa.

Dhanka kale, Sudan ayaa qeyb ahaan xirtay xadka ay la wadaagto Ethiopia, sida ay maanta oo Sabti ah ku warrantay wakaaladda wararka dalkaasi ee SUNA, tani oo la xiriirta rabshadaha sii kordhaya ee gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qarax oo caawa ka dhacay Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka DF

Caydiid Ali

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku xiray Wariye Caan ah oo qaaday Wareysi ka careesiyay

Cabdi Cade

Ruushka oo cambaareeyay falalkii lagu gubay Quranka ee ka dhacay Sweden iyo Denmark

Caydiid Ali
Taboola Ads ---