Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kasoo horjeestay Guddiga qaban qaabada doorashada Xildhibaanada labada aqal ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland uu xalay magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.
Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka sare oo la ogeesiiyay Madaxda golaha Wadatashiga Doorashada Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayuu uga soo horjeestay magacaabista uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare Guddigan uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble in aysan aheyn kuwa dhax dhaxaad ah oo lagu kalsoonaan karo, waxa uu sidoo kale tilmaamay in xubnahan yihiin kuwa aan la garaneyn meesha laga keenay.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Gudoomiyaha Aqalka sare
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com