Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Sudan oo War kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq

Dowlada Sudan ayaa ka hadashay geeridii ku timid Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq oo ahaa Qaari si weyn looga yaqaanay dalka Sudan iyo Dunida Islaamka, sheekha ayaana shalay ku geeriyooday shil gaari.

Wasaarada Arimaha Diinta ee dowlada Sudan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq iyo sadex nin kale oo la socday ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay meel 18 KM u jirta Magaalada Umdurmaan.

Wasiirka Arrimaha Diinta Suudaan Nasrudiin Mufrix ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Sheekh Nuureyn, waxa uuna sheegay in aad uga naxeen geerida Sheekha iyo sadex qof la socotay ee shilka gaari ku geeriyooday.

Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq iyo ragii kale ee la geeriyooday ayaa shalay aas balaaran loogu sameeyay dalka Sudan, waxaana aaska Sheekh kasoo qeyb galay dad badan oo aad u jeclaa .

Baraha bulshada ayaana si weyn looga dareemay geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq oo ahaa Qaari si weyn looga jeclaa Dunida Islaamka, waxaana sheekha uu Imaam ka ahaa Masjid weyn oo kuyaala magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka shaqeeyay in ay Heshiiyaan Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Al Shabaab ku laayeen askar katirsan Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo gacan ka geesaneysa in Xabsiga laga sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---