Allbanaadir.com
NEWS

Burcad si xirfadeesan lacago baad ah dadka uga qaadi jirtay oo la xiray

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa xabsi dhigay afar qof oo lagu soo eedeeyay in ay sameesteen bogg Internet ah ay lacago sharci daro iyo baad ah uga qaataan dad dhibanayaal ah qaarkood.

Afartan qof ee xireen booliiska dacwadana kusoo oogeen ayaa sameestay Websetkan mugshot.com, Boggan ayaana la galiyaa sawirada iyo xogta dadka ay xiraan ciidamada booliiska si ay lacago uga qaataan dadkaasi loogana saaro Websetka xogtooda.

Burcadan xirfadeesan ayaa booliisku sheegeen in ay lacago baad ah ka qaateen dad gaaraya 5,700 qof, iyaga oo ka heley lacag dhan $2 milyan oo doolar, waxaana dadkan baada laga qaaday xogtooda laga saaray barta Internetka ay leeyihiin kooxdan.

Xeel illaaliyaha California Xavier Becerra ayaa sheegay in bogan Internetka ay sameesteen kooxdan la dhigo xogta iyo sawirada dadka la xiro, waxa uuna sheegay in dadka marka shaqo raadsanayaan ama xiriir sameenayaan dhibaato kala kulmaan marka xogtooda bogan laga arko sidaasna shaqada ama xiriirkooda ku waayaan.,

Dadka qaarkood oo sawirradooda boggan lasoo dhigay ayaa waxaa laga yaabaa in booliiska ay u xireen si khalad ah ama xitaa wax dambi lagu waayay kadib markii la xiray, balse bogga waxa uu u yeelaa bar madoow oo sumcadda qofka ah.

Booliiska Mareykanka ayaa magacyada afaran nin ee Bogga Internetka dadka ku baadayay ku sheegay Thomas Keesee, Kishore Vidya Bhavnanie, David Usdan iyo Sahar Sarid, waxaana loogu baaqay dadkii lacagaha ka qaateen kooxdan in dacwad kusoo ogaan ragan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday ciidamo loo diyaarinayo howl-gallo (Daawo Sawirada)

admin

Wax badan Ka Ogow Qaabka Ay Shirkadda Soma Oil & Gas Ku Xulatay 12 Block oo Shidaalka Somalia kamid ah

Cabdi Cade

Joe Biden oo saxiixaya Wareegtooyin qaarkood saameyn ku leh Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---