Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo Madax wareer ka qaaday Daawashada Tv-yo badan iyo Niyad Jab lasoo darsay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uu aad uga niyad jabsan yahay sida ay xiligan wax u socdaan, waxa uuna qarka u saaran yahay in looga guuleesto doorashada Madaxweynaha uu mar kale rajo ka qabayay in loo doorto.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweyne Trump ayaa laga soo xigtay in madax wareer ka qaaday daawashada telefishino badan uu isku dul shitay si uu ugala socdo natiijada doorashada iyo isku soo baxyada ay sameenayaan taageerayaashiisa.

Warbaahinta CBS News ayaa kasoo xigatay xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Trump in uu si weyn uga carooday markii uu Telefishinada ka daawaday dad aad u tiro yar oo usoo baxay taageeradiisa halkii uu fuliyay in dad badan ay usoo banaan bixi doonaan.

Aqalka Cad ayaa laga soo sheegayaa in aysan ka jirin dareen farxadeed, waxa ayna aad uga walaacsan yihiin Trump iyo xubnaha ku dhaw dhaw sida ay wax u socdaan iyagoona ka fekeraya talaabooyinka sharci ee qaadi karaan hadii ay guul dareestaan.

Musharaxa Xisbiga dimuquraadiga ee Joe Biden ayaa qarka u saaran in uu ku guuleesto doorashada Madaxweynaha Mareykanka, waxaana tirinta cododka gobolada harsan ee sida weyn loogu loolamo in uu ku horeeyo Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xamse Barre oo furay xarun qeyb ka ah dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab

Caydiid Ali

Trump uu xaalku ku xun yahay iyo baaris horseedi karta in xilka laga qaado oo bilowday

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Dhulka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiil u dhashay Ingiriiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---