Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo la sheegay in ay u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay nidaamka loo soo xulay qaar kamid xubnaha kamid noqdaya guddiga doorashada Heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta badan xubnaha laga soo magacaabay Galmudug iyo Hirshabelle ee kamid noqonaya guddiga doorashada in ay katirsan yihiin Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA.

”Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda.” ayuu yiri Mr Warsame

Waxa uu sidoo kale tilmaamay musharaxan in xubnaha guddiga doorashada ee heer federaal in ay u badan yihiin taageeyaasha Madaxweyne Farmaajo gaar ahaan kuwii sida weyn ugu taageeri jiray baraha bulshada.

”Guddiga heer Federaal badankiisa waa taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili guddiyada doorashada heer federaal iyo heer Dowlad goboleed u badan yihiin dhalinyaro si weyn u taageersanaa siyaasada Farmaajo , waxaa sidoo kale la sheegay in guddiga ku jiraan xubno badan oo Nabad Sugid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay wakilada beesha caalamka ee Somalia

Caydiid Ali

Maalinta & Saacada ay dhaqan galayso Xabad joojinta Israaiil iyo Xamaas oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Kenya oo kordhisay qiimaha lacagta lagu qaato kaarka aqoonsiga iyo Baasaboorka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---